Wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda Muqdisho ayaa maanta mar kale loo xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo la sheegay inuu tegayo saldhig ciidan oo Muqdisho dhexdeeda ah.
Wararka ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha maanta khudbad u jeedin doono ciidamada laga keenay dalka Eritrea oo boqolaal ka mida dib loogu soo celiyay dalka, lana dejiyey Xerada ciidamada Jenreaal Goordan ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayey dowladdu sheegtay in ka qeyb geli doonaan dagaalka lagula jiro Alshabaab ee ka socda Gobollada dalka, iyagoo la filayo inay ka howlgalaan Galgaduud iyo Sh/Hoose.
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Muqdisho laba maalmood loo xiray joogitaanka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo socdaal ku yimid, taasoo dhibaato weyn kasoo gaartay shacabka Muqdisho.
Wado xirista ayaa loo sababeeyaa sugidda Amniga Madaxda dowladda, balse waxay saameyn ku yeelataa isu socodka dadka iyo Gaadiidka oo dhibaatp badan ay ku qabaan dadka Danyarta ah ee raadsada nolol maalmeedkooda.
