Waxaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho madasha la baxday xisbiyada Qaran ee dalka oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin ka horjeeda dowladda Soomaaliya, iyagoo shirkooda uga dhawaaqay inay sameeyeen Guddi Gurmad ah oo qaabilsan fatahaadda ka dhacay Gobollada dalka.
Guddigan ayaa la sheegay inay Berri gargaar gaarsiin doonaan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana wafdiga madaxda xisbiyada qaran ee tegaya magaalada Beledweyne hoggaaminaya guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Shariif Sheekh Axmed. waxaana ka mida madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulan caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay Guddiga gurmadka iyo wafdiga xisbiyada Mucaaradka ee Beri gargaarka gaarsiin doona magaalada Beledweyne.



