Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Jowhar.
Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga gudaha, waxaana ka mida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiirka Waxbarshada, waxaa kaloo ku wehliya Xildhibaano.
Wasiirada ayaa galabta gaaray magaalada Jowhar, waxaana la filayaa inay caawa ku hoydaan magaalada Jowhar.
Wafdiga dowladda Federaalka u dirtay magaalada Jowhar ayaa kulamo la yeelan doona madaxda iyo xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay xil ka qaadista madaxweynihii maamulkaasi.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa hore ugu eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka aheyd ololihii xilka looga qaaday, isagoo gaar ahaan u tilmaamay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.