Waxaa magaalada Baydhaba goor dhoweyd gaaray wafdi hordhac u ah Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu Berri halkaasi gaaro.
Agaasimaha Guud Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud oo ay la socdaan xubno ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba.
Waxaa Garoonka magaalada Baydhaba uga hortegay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed Cabdifatax Mahad Cabdiraxmaan, iyadoo la sheegay inay u gogol xaarayaan socdaalkii ugu horeeyay ee Xasan Sheekh uga baxo caasimadda.
Wafdiga maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo lagu wado in Maalinta Beri ah uu so gaaro Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.