Iyadoo xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ay ku qulqulayaan siyaasiyiin iyo xubno kala duwan oo dano iska horjeeda ka leh maamulka loo dhisayo gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta gaaray magaaladaasi wafdi uu ka mid yahay Danjire Axmed C/salaan Adan iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha C/raxmaan Kulmiye Xersi.
Wafdigan oo hore loo filayay inuu halkaasi tago ayaa ujeedkooda lagu sheegay inuu yahay sidii ay uga qeybgeli lahaayeen shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, waxaana soo dhoweyntooda ka qeybgalay guddoomiyaha Galgaduud iyo kan degmada Dhuusamareeb iyo xubno kale.
Axmed C/salaan Xaaji Aaden oo dhowaanahan soo beylahay shaqadii uu qaranka ugu xil saarnaa ee safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis ababa iyo Midowga Afrika ayaa rajo weyn ka qaba inuu noqdo madaxweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee gobollada dhexe, wuxuuna taageero ka heystaa Itoobiya iyo xooggaga taageersan oo isugu jira siyaasiyiin ka mida dowladda iyo kooxaha hubeysan ee gobolka ka jira.
Axmed C/salaan ayaa si lama filaan ah uga baaqsaday inuu Dhuusamareeb u raaco wafdigii madaxweynaha ee dhowaan tegay Dhuusamareeb, wuxuuna si weyn u taageersan yahay in shirka maamul u sameynta goboladda dhexe lagu qabto Dhuusamareeb, waxaana laga cabsi qabaa in wafdiga maanta tegay halkaasi uu caqabado ku sii kordhiyo dadaalkii madaxweyne Xasan Sheekh ugu jiray in shirkaasi loo raro degmada Cadaado.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]