Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaamiynayo wasiirka Gaadiidka iyo Duulita oo ay la socdaan safiirada dalalka Itoobiya iyo Kenya u fadhiya Soomaaliya ay maanta gaareen magaalada Berdaale oo shalay diyaarad xamuul ah ay ku burburtay.
Wafdifa waxaa la socday Wasiirka Gadiidka K/Galbeed, waxayna booqdeen goobta ay ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka Garoonka magaalada Bardaale, iyadoo u socday xaqiiqo raadin ku saabsan shilka diyaaradaasi.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista dowladda Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya la kulmaya saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa garoonka Berdaale.
Shilka Diyaaradda oo la sheegay inuu yimid martii ay ciidamada Itoobiya Gantaal ku rideen ayaa waxaa ku dhintay lix qof, oo 4 ka mida ay Soomaali yihiin, halka labada kale ay Kenyan yihiin
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degaanka Bardaale.
