Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD iyo dowladda Soomaaliya ayaa galabta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wafdigan waxaa ka mida wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey, waxaan wehliya mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.
Ujeedka wafdiga ayaa la sheegay inay tahay dib u furista shirka Jowhar oo lagu wado inuu maalinta beri ah ee Arbacadda ka furmo magaalada Jowhar.
Wafdiga ayaa hordhac u ah xubno isugu jira madax sare iyo wakiilada beesha caalamka oo ku sii jeeda magaalada Jowhar, halkaasoo IGAD iyo dowladda Federaalka ay abaabulayaan inay maamul u dhisaan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
Wadani.com