Wafdi ka socda xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiiro ayaa goor dhoweyd gaaray Magaalada Boosaaso ee Puntland.
Wafdigan oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Waxaana ka mida xubnaha wafdiga Wasiirka Beeraha XFS Mudane Siciid Xuseen Ciid, siihayaha Wasaaradda Gargaarka Cilmi Cumar Ceynsane, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim,xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Bandar-Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa faah faahiyay ujeedka socdaalkiisa.
“Marka hore Waxaan doonayaa in aan u mahadcelino mas’uuliyiinta maamulka magaalada boosaaso iyo dowlad Goboleedka Puntland sida diiran oo ay inoo soo dhaweeyeen,waxaa wafdiga ka socda Xukuumadda oo aniga aan hoggaaminayo uu ka kooban yahay wasiiro xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,ganacsato,salaadiin, waxaan halkani u nimid in aan ka qeybgalno caleema saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil C/llaahi waxaan leenahay hambalyo, Xukuumaddu markasta waxaa ay garagtaagan tahay dhaqanka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin asaskii xukuumadaha laga soo bilaabo Carta, anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda waxaan leeyahay hambalyo”.
Mas’uuliyiinta oo safarkooda lafilayo in uu qaato 2 maalmood ayaa inta ay joogaan halkani waxay kulamo kaladuwan la qaadan doonaan mas’uuliyiin,waxgarad iyo qeybaha bulshada.
Waxaa garoonka Boosaaso kusoo doaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Isimada Gobolka Bari, Ururada Buslada Rayid iyo Saraakiisha Ciidamada, waxaana socdaalkooda lagu sheegay wadahadal iyo iskaashi ay la yeelanayaan maamulka Puntland.
Wafdiga tegay magaalada Boosaso ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maanta ay magaalada Boosaaso hareysay xiisad ka dhalatay Diyaarad ay raacayeen Saraakiisha Imaaraadka Carabta ee ku sugneyd deegaanada Puntland oo halkaasi ka baxay.
Wafdigan ka socda xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka qeybgalayaan Caleema-saarka Beeldaaje Maxmed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaji Xaaji C/laahi oo ka dhaceysa degaanka Carmo ee duleedka Boosaaso.