Wafdi ka socday Ahlu suna oo maanta lagu waday inuu Muqdisho u yimaado ka qeybgalka wadahadalka ka furmaya Galmudug ayaa dib u dhacay arrin lagu tilmaamay mid farsamo awgeed.
Wafdigan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Ahlu suna Sheekh Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa joojiyay socdaalkii ay Muqdisho ku imaan lahaayeen kadib markii ay qoonsadeen qaabkad dowladda Federaalka u casuuntay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa u diray qoraal ay ku caddahay Ahlu suna, taasoo ay ka biyo diideen maamulka Ahlu sunna, waxayna dalbadeen in casuuumadda lagu caddeeyo magaca “Maamulka dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe”.
Arrintan ayaa keentay is mari waa’ iyadoo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen madaxweynaha Ahlu suna Sheekh Axmed Shaakir iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana la filayaa in arrintan laga qanciyo Ahlu sunna.
Wadani.com