Wafdigii labaad ee ka socda Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo diray magaalada Baydhaba ee xarunta mamulka K/Galbeed.
Wafdigan oo ka mida Guddiyo Aqalak sare u dirayo Dowlad Goboleedyada dalka si ay u xal ugu helaam khilaafka ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka kooban xubno ka soo jeeda maamullada loo diray.
Wafiga Aqalka Sare ee u dhoofay magaalada Kismaayo waxa hoggaaminaya senator C/llaahi Cali Garuun, waxaana ka mida:
1- Xuseen Xaaji Cali
2- Samsam Ibraahim Cali
2- Axmed Macallim Cumar
3- Faadumo Xasan Aadan Gariyow
4- Aadan Cabdi Aadan
5- C/fitaax Macallim Xasan
6- Maxamed Cali Maxamed Rooble
7- iyo Ismahaan Fu’aad Xasan.
Wafdigii koowad ayaa shalay tegay magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland. lamana oga inay wax ka qaban karaan xaaladda ka dhex taagan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.