Madaxweynaha Soomaaliya XasanSheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta ka dhoofay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga kadib socdaal rasmi ah oo uu halkaasi ku tegay, waxaana sii sagootiyay madax dhowr ah oo boqortooyada ka tirsan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhoweyn heer sare ah loo sameeyay ayaa waxaa garoonka Saldhigga cirka ah ee Makil Salmaan ku sii sagootiyay Amiir Feysal Bin Bandar Bin C/casiis Amiirka Gobolka Riyaad, wasiiru dowlaha golaah wasiirada Boqortooiyada Cisaam Ibn Sacad iyo saraakiil kale.
Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid yihiin wasiiro dhowr ahaa ayaa lagu wadaa inay tagaan dalka India iyagoo ka qeybgli doona shirweynaha India iyo Afrika ee madaxda qaarada Afrika iyo dalka Indi uga furmaya magaalada New Dehli.
Wadani.com