Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka qeyb galay shirkii Arimaha soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgiumka.
Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka, wasiirka maaliyadda iyo xubno kale waxaa garoonka ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya, waxayna dib u dhaceen maalin sabab ka timid dib u dhac diyaaradii shalay soo qaadi lahayd.
Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Brussels kulan la qaatay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland iyo Cali Khaliif Galeyr oo ay ka wada hadleen colaada ka tagaan degaanka Tukeraq ee gobalka Sool iyo arrimaha Somaliland.
Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada magaalada Brussels ee dalka Belgiumka ayaa waxaa Soomaaliya looga yaboohay deeq lacageed oo Midowga Yurub uu bixinayo.