Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo ka soo duulay magaalada Boosaaso ayaa goor dhowyed gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Galkacyo,iyadoo mas’uuliyiin iyo boqolaal kamid ah shacabka magaaladaasi ay soo dhaweeyeen madaxweyne Farmaajo. Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana lafilaya wafdiga madaxweyanaha in uu la kulmo madaxda Galmudug iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo uga bilaabanaysaa booqasho uu ku marayo deegaano ka tirsan Galmudug,ka sokow Gaalkacy waxaa lafilaya in madaxweynuhu uu tago magaalada Cadaado iyo deegaano kale, isagoo caawa ku sugnaan doona dhinaca Waqooyi ee Gaalkacyo.