Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Wakliilada iyo safiirrada beesha caalamka u jooga Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka ayaa looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu ka wada degaanada Galmudug ee lagu dib loogu dhisayo Galmudug, waxayna wakiilada Beesha Caalamka warbixin ka dhageysteen Ra’iisal wasaare Kheyre oo uga warramay halka ay maraan howlaha dib u heshiisiinta Galmudug, Diiwaan gelinta iyo Qarameynta ciidamada degaanka iyo qorshe dagaal oo looga hortegayo Alshabaab.
Wakiilada iyo Safiirada beesha caalamaka ee Ra’iisul Wasaaraha la kulmay waxaa ka mid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhanyahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.






