Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kulamo kala gaara oo adag la yeeshay maanta iyo caawa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Kulanka Rooble iyo wakiillada Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaaladda khilaafka Doorashada sida loo qaban karo Shirka dhammeystirka arrimaha Doorashooyinka oo ku saleysan heshiiskii 17-kii September, 2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.
“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
saacado kadib afhayeenka Xukuumadda ayaa baaq uu soo saray oo loogu talogalay beesha caalamka ku sheegay inay xukuumadda ku baaqeyso qabashada shirka Wadatashiga, meeshana laga saaro shuruudaha lagu xirayo.
Dhinaca kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa caawa kulan gaara la yeeshay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kaasoo ayaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan Doorashada, iyadoo Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada.
Wakiilada Beesha Calaamka ayaa culeys gaara saaraya Siciid Deni iyo Axmed Madoobe si ay uga tanaasulaan shuruudaha ay ku xirayaan qabashada shirka si mar uun shirkaasi u furmo, waxayna si cad beesha caalamka ugu caddeeyeen aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay si toos ah u faragelinayaan xaaladda is mari waaga ah ee ka taagan Doorashada, iyadoo awoodooda isugu geeyay inuu dhaco shirka mudadda dheer la isku maandhaafsan yahay. Waxaana dadaal loogu jiraa in marka hore ay kulmaan Madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisal Wasaaraha.





