Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ay wehliyaan xubno ka socda Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa maanta tegay magaalada Garowe ee xarunta Puntland iyadoo kulan la yeeshay Madaxweynaha maamulkaasi.
Kulanka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo, Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash la yeesheen qaateen wafdiga ka socday Beesha Caalamka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin: Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Deyn Cafinta iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah, iyadoo madaxweynaha Puntland uu wafdiga u sheegay in puntland diyaar u tahay wax kasta oo lagu hormarinayo siyaasadda..
“Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqday wefti uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, Midowga Yurub, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, waxaan ka wadahadalnay dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaaro dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo intaas raaciyey in sidoo kale laga wadahadlay sidii loo dardargelinlahaa xiriirka wada-shaqaynta ee dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedkada.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in qodobadii ay ka wadahadaleen xubnaha Beesha Caalamka ay isku afgarteen, wuxuuna yiri: “Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”



