Wakiilka beesha caalamka ee sida korjoogtada ah uga qeyb galaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dhex saaray fadhiga xildhibaanada.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii musharaxa tanaasulay ee Zakariye Maxamuud Xaaji uu sheegay in faragelinta shisheeye ay ka socota xarunta doorashadu ka dhaceyso.
Saxafiyiinta goobta ku sugan ayaa soo sheegaya in xubno ay ka mid yihiin wakiilka Q/Midoobay ee Soomaalia Micheal Keating, Safiirka Sweden iyo xubno kale oo ku dhex jirayu xildhibaanada laga raray boosaskoodii oo dhinac gaar ah la geeyay.
Doorashada waxaa korjoogto ahaan u jooga wakiilo fara badan oo ka socda beesha caalamka iyo urur goboleedyada.
Wadani.com