Wakiilada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Midowga Afrika Francisco Madeira ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa looga hadlay xaaladda maamulkaasi iyo caqabadaha heysta, waxayma UNSOM shaacisay inay dhageysteen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe xaaladda horumar ee maamulka iyo caqabadaha jita.
Socdaalka wakiilka UN-ka iyo AMISOM ee magaalada Kismaayo ayaa ka danbeeyay kulan ay shalay la yeesheen madaxda Aqalka Sare oo u sheegay in Axmed Madoobe uu yahay mas’uulka caqabadda ku noqday dadaalka ay ka dhex wadeen madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada.