Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gashaanka ku dhuftay hadallo kasoo yeeray Taliyaha ciidamada AMISOM iyo warkii uu ka sheegay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Qoraal kasoo baxay madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Jose Madeira oo sheegay inuu madaxda sare ee Midiowga Afrika ay fareen inuu mowqif cad bixiyo ayaa lagu sheegay inay ka war qabaan is mari waaga ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya oo laba Garab u kala jabay, taasoo xaaladda ammaanka culeys ku soo kordhisay.
“AMISOM waxay dhowreysaa Qaranimada dadka Soomaaliyeed, waxayna aqoonsan tahay xaqa hoggaankooda ay u leeyihiin inay inay xalistaan arrimaha dalkooda la soo gudboonaada oo ay ku jirto xiisadda siyaasadeed ee hadda ka taagan Baarlamaanka federaalka oo laba u kala qeybsan.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa lagu caddeeyay in AMISOM aysan xaq u lahayn inay Baarlamaanka ku soo rogto qaabka ay u shaqeyb lahaayeen, isla markaana aysan la wareegeynin Xarunta Baarlamanka inta madaxda sare ee dalka ay ka codsaneyso arrintaasi.
Qoraalka Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa u muuqday mid jawaab u ahaa ashtako ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Midowga Afrika, taasoo ka dhan ah taliyaha AMISOM Paul Lokech oo saddex qodob kala doorsansiiyay madaxda Baarlamaanka Soomaaliya. [Akhri Warkan]
DAAWO