Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay, ayna ka mid yihiin wakiilada beesha caalamka iyo saraakiisha AMISOM ayaa goo dhoweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Xubnahan oo uu horkacayey Wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, waxaa ka mid aha wakiilka Midowga Afrika, taliyaha AMISOM iyo xubno kale, waxaana garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay madaxa fulinta ee Maamulka Galmudug Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.
Wakiilada beesha caalamka ayaa ka qeybgalaya munaasabadda dhameystirka heshiiska midowga Galmudug oo maanta ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin madaxda Soomaalida intooda badan.