Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in qaababka looga gudbayo 2016 ee hor yaala Soomaaliya uu ugu wanaagsan yahay uguna dhib yar yahay nidaamka 4.5.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Garowe oo uu ku wehliyay madaxweynaha Puntland ayuu sheegay Mr. Keating inay wax badan dhageysteen dhinacyada Puntland ee kala duwan, isla markaana ay wax badan ka kororsadeen intii ay joogeen magaalada Garowe.
Waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay in dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya ee 2016 uu noqon karo war aan wanaagsaneyn haddii ay doorashooyinka dib u dhac ku yimaadana ay dhaliso nabadgelyo xumo. Keating ayaa sheegay in inkasta oo habka 4.5 uu yahay nidaam aan dhameystirneyn, haddana uu ugu yaraan yahay kan ugu roon, nidaamyo dhowr ah oo lasoo bandhigay.
Keating waxa uu aaminsan yahay in doorashada soo socota ee 2016 ay noqon karto mid looga gudbo 4.5, haddii la raaciyo taallaaboyin lagu wanaajinayo xiriirka dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
DHAGEYSO CODKA ERGEYGA Q/MIDOOBAY
Wadani.com