Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa cambaareeyay weerarkii lagu bar tilmaameedsaday xarunta fadhigiisa ee magaalada Muqdisho.
Keating ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 12 qof iyo in ka badan, wuxuuna xaqiijiyay inaysan dadka dhintay ku jirin cid ka tirsan shaqaalaha UN-ka inta la xaqiijiyay.
Ciidamo gaara oo ammaanka suga oo gaar loo leeyaya ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi oo ah kuwa ugu badan ee qasaaraha kasoo gaaray qaraxa labaad oo saarnaa Gaari UD ah oo weyn. Waxayna ciidamadaasi ku sugnaa bannaanka xarunta Villa Nabadda oo sugayay saraakiil ay galbin lahaayeen oo xaruntaasi ku sugnaa.
.@SRSGKeating condemns today's attack in #Mogadishu that killed 12 or more people. No UN personnel are among the confirmed dead.
— UNSOM (@UNSomalia) July 26, 2016
Qasaaraha dadka dhintay ayaa ka badan 13 waxaana jira dhaawacyo 20 gaaraya oo 17 ka mida la geeyay Isbitalka Madina ee magaalada Muqdisho.
http://goobjooge.com/wasiirka-amniga-oo-shaaciyay-qasaaraha-qaraxyadii-xarunta-un-ka-ee-muqdisho/
http://goobjooge.com/warbixin-qaraxyadii-muqdisho-askar-ka-tirsan-un-amisom-oo-lagu-laayay/
http://goobjooge.com/daawo-laba-weerar-miidaamin-ah-oo-lala-beegsaday-garoonka-diyaaradaha-muqdisho/
Wadani.com