Ergyaga gaarka ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ka digay madaxweynihii lagu doorto musuq inaysan beesha caalamka aqoonsan doonin.
Ergeyga oo gaaray magaalada Newyork ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay noqoto mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah oo aan lahayn musuq-maasuq.
Micheal Keating oo waramay VOA-da ayaa si cad u sheegay haddii madaxweynaha lagu doorto qaab sharci-darro ah ay ka dhalan doono cawaaqib keena inaysan wax wadashaqeyn ah la yeelan beesha caalamka.
DHAGEYSO WARGEYSIGA ERGEYGA