Ergeyga Soomaaliya u fadhiya Q/Midoobay Abuukar Baalle oo khudbad laga siiyey kulankii maanta ee Golaha Amniga Q/Midoobay ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa si weyn u difaacay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Abuukar Baalle ayaa golaha amniga u sheegay horumarka dowladda ka gaaray dhinacyada Amniga iyo siyaasadda, wuxuuna caddeeyay in Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay dooneysaa inay shacabka Soomaaliyeed siiso xuquuq ay codkooda u dhiibtaan iyo Doorasho taariikhi ah oo dalka ka dhacda.
“Xiligan aanu hadda joongo wuxuu Madaxweyne Farmaajo fadhiyaa Dhuusamareeb, isagoo wadahadal la leh madaxda Soomaalida si go’aan mideysan loo gaaro..” ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle oo dhinaca kale sheegay in go’aanka kasta oo laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ay qasab tahay inuu sharciyad ka helo Golaha Baarlamaanka.
Ergeyga Soomaaliya ee Q/Midoobay wuxuu khudbadiisa ku sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay dimoqraadiyad ku dhisan heshiisyo loo dhan yahaym ayna ku caddeysay ka qeybgalkeeda Shirkii Dhuusamareeb, laakiin uu ka xun yahay inay jiraan qaar doonaya inay fashiliyaan.
“Caqabadaha Soomaaliya heysta waa koox yar oo dooneysa inay awoodda rakaato ku heystaan. cid kasta waa la hadleysaa dowladda, waxayna raadineysaa heshiis guud, laakiin uma dulqaadaneyno qas-wadayaasha xilligan xasaasiga ah.., waxaan ka xumahay inay jiraan qaar doonaya inay fashiliyaan dadaalada lagu jiro.” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Q/Midoobay.
HOOS KA DAAWO KHUDBADAHA