Waxaa soo shaac baxday qoraal uu wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u diray Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya, taasoo su’aalo badan laga weydiinayo dowladda Soomaaliya qalalaasihii ka dhacay magaalada Baydhaba ee ay ku lug yeesheen ciidamada Booliska.
Qoraalka ayuu Wakiilka Q/Midoobay Nicholas Haysom ayaa sheegay inay soo gaareen eedeymo ku saabsan in ciidamada ay taageerto UN-ka ay ku lug yeesheen xarigii Mukhtaar Roobow iyo dhimasharada 15 qof oo shacab ah maalmihii 13-15-ka Disembar, xariga 300 qof oo u badan caruur xabsiyada lagu hayey muddo ka badan 48 saacadood.
Waxaa qoraalka wakiilka UN-ka lagu caddeeyay in Midowga Yurub, Germany iyo UK ay joojiyeen taageeradii ay siin jireen Booliska Koonfur Galbeed, taasoo ay sabab u tahay sidii ay ciidamadaasi u dhaqmeen iyo hadalkii saxaafadda lagu baahiyey ee kasoo yeeray Taliyaha Booliska K/Galbeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa laag dalbaday inay ka jawaabto su’aalo dhowr ah oo ku saabsan sharcinimada Xariga Mukhtar Roobow iyo dhimashada dadka gaaraya 15-ka qof ee lagu dilay magaalada Baydhaba, wuxuuna dalbaday in baaritaan buuxa lagu sameeyo wixii ka dhacay Baydhaba.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA