Ergeygii hore ee Q/Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, ahaana Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha sharciga dalka Tanzania Augustine Mahiga ayaa la shaacyiyey inuu saaka ku geeriyooday caasimadda dalkaasi ee Dodoma.
Augustine Mahiga Mahiga ayaa hayey wakiilkii hore ee gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay xilli xasaasi ah, intii u dhaxeysay June 2010 ilaa June 2013, isagoo qeyb ka qaatay xiligii kala guurka ee dowladii KMG ahayd iyo qorista Dastuurka KMG ahaa sanadkii 2012.
Madaxweynaha Tanzania John Magufuli wuxuu sheegay in Mahiga uu ku xanuunsaday gurigiisa isla markaana uu geeriyooday markii la geeyay isbitaal ku yaalla Caasimadda dalkaasi.
Soomaali badan ayaa baraha bulshada tacsi u dirtay wakiilka hore iyo Wasiirka ka tirsan dalka Tanzania. Wuxuu hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda Tanzania, wuxuuna ahaa 74 sano jir.