Shirkadda Diyaraadaha Itoobiya ee Ethiopian Arilines ayaa dib u bilaabeysa duulimaadyadi Garoonka caasimada Soomaliya ee Muqdisho kadib hakad ku yimid muddo dhowr maalmood ah.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad aya sheegay Shirkadda diyaaradda Itoobiya ay berrito oo Khamiis ah dib u bilaabeyso duulimaadayada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kaddib markii shirkadda dhawaan ay hakisay duulimaadyadeeda.
Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa tan iyo Sabtidii dhawaan baajisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii garoonka lagu qabtay nin ajnabi ahaa oo sitay sunta dadka ka ilimeeysiisa.