Madafiic Hoobiyeyaal ah ayaa duhurnimadii maanta ku soo dhacay gudaha iyo agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee degmada Wardhiigley, waxayn wararku sheegayaan ina madaafiicdaasi geysteen qasaare.
Hoobiyeyaasha qaarkood ayaa ku dhacay Xaafadda Cagadhiig,waxaana ku dhintay Saddex Ruux’ oo kala ah Hooyo lagu Magacaabi jiray Xaliimo iyo Labo Canug oo ay Ayeeyo u tahay, waxaana ku dhaawacmay ilaa afar qof oo kale.
Dhinaca kale mid ka mida madaafiicdaasi ayaa ku dhacay gudaha madaxtooyada oo u dhow xafiiska Ra’iisal wasaaraha, iyadoo la sheegay inay ku dhawacmeen askar ilaalo ahayd oo aan tiradooda la sheegin, waxaana madaafiicdaasi ku soo beegmeen iyadoo markaasi dhammaaday shirkii golaha wasiirada ee maanta.
Madaafiicda lagu garaaco madaxtooyada iyo agagaarkeeda ayaa caadi ka noqday magaalada Muqdisho iyadoo hay;adaha nabadsugidda iyo ciidamada booliska ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan madaafiicda dharaarta cad laga dhex ridayo magaalada Muqdisho.
Wadani.com