Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in qasaaraha ka dhacay saldhiga ciidamada Kenya uu aad uga badan yahay inta ay shaacisay wasaaradda Difaaca Kenya.
Warbaahinta Kenya ayaa saaka soo werisay warbixin laga helay saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo sheegay in ug yaraan 68 askari lagu dilay weerarkii Alshabaab ku qaaday xerada Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose Jimcihii.
Standard Media oo soo xigatay ilo ka tirsan milateriga Kenya ayaa qortay saaka in afar qeyb oo ka mida laba qeyb oo ka mida ciidamadii ku sugnaa xerada Kulbiyow oo tiradoodu gaareyso 72 ay dib uga baxeen xerada markii dagaalku cuslaaday kana badbaadeen, laakiin laba qeyb oo kale (72) askari oo isla tiradaas ah ay ku dhinteen weerarkii Alshabaab.
30 ka mida meydadka ciidamada Kenya ee ku dhintay weerarkii Kulbiyow ayaa loo duuliyay Garoonka Moi ee Islii, Nairobi iyadoo la dhigay isbitaalka ciidamada qalabka sida ee Kenya sida ay wargeyska u sheegay dad isbitaalka ku sugan.
Meydad kale ayaa shalay iyo habeen hore laga daadgureeyay saldhigga la burburiyay ee Kulbiyow. Ciidamada Kenya ayaa dib u qabsaday xerada markii ay weerar cir iyo dhul ah ku qaadeen.
Qasaaraha Ciidamada Kenya ka gaaray weerarkii Kulbiyow ayaa ka badan inta ay sheegtay kooxda Alshabaab oo ahaa 57 askri, waxaana Milateriga Kenya ay sheegeen in kaliya looga dilay 9 askari, laguna dhaawacay 15 kale.
WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN HALKAN KA AKHRISO
Wadani.com