Kooxda Alshabaab ayaa ku dhawaaqay dhismaha Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed oo ah Gole Dhaqameedkii ugu horeeyay ee xarakadu sameysato.
Shir la sheegay inuu ka dhacay Gobalka Baay ayaa lagu sheegay in Odayaasha Dhaqanka Islaamiga Beelaha Soomaaliyeed ay doorteen hogaan cusub, iyado ay shirka ku sugnaayeen madax Alshabaab.
Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Islamiga Soomaaliyeed ayaa loo doortay Nabadoon Sheekh Ibraahim Sheekh Cali Nuur, waxaa Gudoomiye Ku Xigeen loo doortay nabadoon Maxamuud Cali Geedi, halka Afhayeenka Golaha dhaqanka Islaamiga Soomaaliyeed loo doortay Nabadoon Ismaaciil Haaruun, Xogayaha Guud ee golaha dhaqanka Islaamiga Soomaaliyeed ayaa loo doortay Nabadoon Mucalim Daa’uud Xasan Aadan.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo olole doorasho uu ka socdo Soomaaliya, isla markaana Alshabaab ay ku hanjabtay inay ka hortegi doonto Doorshada 2016.
Wadani.com