Qoraal kasoo baxay shir ay maanta yeesheen Guddiga fulinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa loogu baaqay madaxda dowladda Federaalka, Xukuumadda iyo kuwa maamul Goboleedyada oo ay wehliyaan daneeyayaasha Siyaasadda inay shir degdeg isugu yimaadaan ka hor 25-ka bishan June.
Shirkan oo uu qabanqaabin doono Guddi uu magacaabayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa looga hadli doona sidii xal looga gaari lahaa hannaanka lagu galeyo Doorasho la isaga raali yahay, waxaana Guddiga sare uu qoraalkiisa ku sheegay in loo baahan yahay xilligan adag heshiis siyaasadeed.
Kulanka Aqalka Sare ee maanta ayaa ahaa kulankii koowaad ee Kalfadhiga 7aad ee Guddiga Joogtada, waxaana kulankan looga wada hadlay Ajendayaal ay ka mid yihiin:
1- Muddeynta Bilaabashada Fadhiyada Golaha.
2- Diyaarinta Ajendayaasha Golaha Aqalka Sare ee Kalfadhiga 7aad.
3- Arrimaha doorashada 2020-20214. Saameynta Covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan Dalka, gaar ahaan howlaha Aqalka Sare ee BFS.5. Kulamada wada-jirka ah ee labada Aqal.
War saxaafadeedka Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa lagu sheegay Goluhu uu leeyahay kaalin dastuuri ah oo ku aadan isu keenista Madaxda Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedyo, si looga arrinsado loogana heshiiyo hannaan lagu meel marinayo xaalada kala guurka ah ee dalka
Arrintan ayaa ka dhigan in Aqalka Sare uu ka hor yimid Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee ah inaan Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka lagala hadlin arrimaha Doorashada oo labada Gole ay go’aan ka gaaraan, loona dareero Doorasho.




