Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku dhawaaqay goor dhoweyd inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo saxaafadda loo qabtay ayuu CUmar C/rashiid ka sheegay inuu u taagan yahay tartanka madaxweynaha Soomaaliya 2016, isagoo sheegay inuu wax badan soo qabtay isla markaana ay jiraan qabyo uu doonayo inuu dhameystiro.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in uu soo bandhigi doono Buug uu ka sameeyay waxqabadka xukuumaddiisa, isla markaana uu rajeynayo in waxqabadkiisa lagu doorto.
Is-sharaxaadda Cumar C/rashiid ayaa culeys kale ku keeneysa Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna madaxda sare ee dowladda Federaalka yihiin dhammaantood noqdeen musharixiin.
Wadani.com