War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in danjirihii Mareykanka u fadhiyey Qaramada Midoobay ay xilkii iska casishay.
Haweeneyda Nikki Haley oo Madaxweyne Trump aad ugu dhoweyd, isla markaana dowladda Mareykanka u fadhiday Qaramada Midoobay ayey saxaafadda Mareykanka Shaacisay inay xilkasi ka tagtay arrimo aan la shaacin dartood.
Madaxweyne Trump ayaa farriin uu soo diray ku sheegay inay war weyn shaacin doonaan isaga iyo Nikki Haley, kaasoo la wada sugayo.
Danjirihii Mareykanka ee UN-ka ee xilka iska casishay ayaa si weyn u difaaci jirtay maamulka Donald Trump, inkastoo arrimo dhowr ah ay isku khilaafeen Trump.