Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in alaab xamuul ah oo aan cidka la socon ay uga timaado Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya.
Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in alaabta xamuulka ah ee ka timaada Somalia, haddii aysan cidna la socon ay la wareegi doono, isla markaana ay burburin doonto, sida uu qabo sharcga socdaalka, isla markaana aan la ogolaan doonin in alaab xamuul ah oo aanay cidka wehlin ay Kenya kasoo gasho dhinaca Somalia.
Somalia iyo Kenya ayaa waxaa isaga goosha alaabo ganacsi oo labada dal ay isu diraan iyadoo shirkadaha qaabilsan ay alaabtaasi u kala diraan Muqdisho iyo Nairobi. Tallaabada Kenya qaaday ayey sabab uga dhigtay arrimo amni.
Waxay kaloo Kenya beenisay in dalkeeda laga celiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, iyadoo warka Wasaaradda lagu sheegay inaysan jirin mas’uuliyiin wata dokumentiyo sax ah oo loo diiday inay galaan dalka Kenya, cid kastana looga baahan yahay inay wadato dokumentiyada safarka oo Visa-ha ka mid yahay.
Dowladda Kenya aaayn kordhisay cadaadiska dhinaca diblomaasiyadda ee ay saarayso Soomaaliya iyadoo garoonka Jomo Kenyatta Airport kasoo celisay wasiiroo iyo saraakiil Soomaali ah, waxaana diyaaradaha ka yimaada Somalia lagu amray inay ku hakadaan garoonka Wajeer.