Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»WAR CUSUB: Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay Kenya

    WAR CUSUB: Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay Kenya

    December 15, 2020Updated:December 15, 20202 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa xalay xilli dambe ku dhawaaqday inay guud ahaan xiriirkii Diblomaasi u jartay dalka Kenya, iyadoo u yeeratay dhammaan Diblomaasiyiinta ka joogay dalkaasi.

    Go’aankan oo Telefishanka dowldda uu ka akhriyey Wasiirka Warfaafinta ayaa laga dalbaday dhammaan diblomaasiyiinta Kenya inay dib ugu laabtaan dalkooda, waxayna tallaabadan imaaneysaa iyadoo uu booqasho rasmi ah ku joogo dalka Kenya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA WARFAAFINTA

    Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qarannimo ee uu dammaanad qaadayo xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida dalka waxa ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u yeeranaysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, waxayna ku amraysaa kuwa halkan ka jooga Dowladda Kenya in ay dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaysa 15-ka Diseembar 2020.

    Shacabka Kenya: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa shacabka Kenya inuu yahay shacab jecel nabadda iyo wada noolaashaha shucuubta gobolka, ayna kala dhaxayso shacabka Soomaaliyeed xiriir qotodheer oo ku dhisan deris wanaag iyo wax wada qabsi. Balse hoggaanka maanta ee Dowladda Kenya uu ka shaqeynayno kala fogeynta labada shacab ee dan-wadaagta ah.Sababta Go’aanka:

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u gaartay go’aankan si ay uga jawaabto xad-gudubyada siyaasadeed iyo fara-gelinta qaawan ee isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay dowladda Kenya Ku haysay madax-banaanida dalkeenna.

    Ugu Dambayn: Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay xaqiijinaysaa madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada ummadda soomaaliyeed si waafaqsan Dastuurka dalka, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Wax gorgortan ahna haba yaraatee Dowladdu kama gelayso xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed.

    Dowladda Somalia Kenya Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQabanqaabada Bannaanbaxyo looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo ka socda magaalada Muqdisho..
    Next Article Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Muqdisho: Bannaanbaxyo ka socda xaafadaha iyo ciidamo rasaaseeyay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo