Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»WAR CUSUB: Fahad Yaasiin oo Xil cusub looga magacaabayo Madaxtooyada Soomaaliya [Akhriso]

    WAR CUSUB: Fahad Yaasiin oo Xil cusub looga magacaabayo Madaxtooyada Soomaaliya [Akhriso]

    May 30, 20172 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warar lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin oo ah saaxibka Madaxweynaha lagu wado in loo magacaabi xilka Agaasimaha Madaxtooyada.

    Ilo wareedyo xooggan ayaa xaqiijinaya in Fahad Yaasiin oo ka mid ah saaxibada Madaxweyne Farmaajo lagu wado in loo magacaabo xilka Agaasimaha Madaxtooyada, iyadoo warkan uu ahaa mid saacadihii la soo dhaafay aad u soo xoogeysanayay, kaddib markii Fahad Yaasiin oo muddooyinkan ku maqnaa Nairobi uu maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

    Fahad Yaasiin ayay u badan tahay inuu banaanka is keeno, si uu uga mid noqdo shaqsiyaadka hormuudka ka ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay meesha uga baxdo saameyntiisa qarsoon ee daaha gadaashiis.

    Hadal heyn maalmahan jirtay oo ku aadanaa in loo magacaabayo La Taliyaha Amniga Qaranka ayaa meesha ka baxday, kaddib markii su’aalo badan laga keenay aqoontiisa xaga amniga ah, balse waxaa hada ay u badan tahay in loo magacaabo Agaasimaha Madaxtooyada.

    Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in is bedelo badan ay ku dhaceen oo ku aadan xilal uu rabay, waxaana tan iyo xalay soo xoogeysatay warka ku saabsan in xilka Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabi doono.

    Dad badan oo saaixbo la ah Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inay kula taliyeen inuu ka soo muuqdo dowladda, si uu u gurto miraha guushii doorashada Madaxweyne Farmaajo oo uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii furaha u ahaa.

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Abuukar Baalle lagu wado in loo magacaabo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, oo ahaa boos hada banaan, waxaana uu ka soo muuqan doonaa safiiro lagu wado in dowladda Soomaaliya ay dhowaan magacawdo.

    Fahad Yaasiin Farmaajo Madaxtooyada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo oo Guddi u magacaabay xaalad welwel leh oo ka taagan Xabsiga Dhexe [Akhriso]
    Next Article Maamulka G/Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka oo yeeshay shirkoodii koowaad [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo