War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goor dhow lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.
Liiska Golaha Wasiirada ayaa diyaar ah, iyadoo xogheynta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha loo gacan geliyay si ay ugu diyaariso in la shaaciyo waqtiyada soo socda.
Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban ku dhowaad 60 ayaa waxaa ku jira 25 wasiir, waxaana la hadal hayaa wejiyo cusub oo ku jiri doona iyo isbedel lagu sameeyay awood qeybsiga wasiirada muhiimka ah.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre la shaaciyo.
LA SOCO…
Wadani.com