Magacaabidda guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.
Isbedel weyn ayaa la sheegay in lagu sameeyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo intooda badan xilalka waayay, waxaana lagu soo daray xubno cusub oo isugu jir qurbe-joog iyo haween.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa la sheegay inuu isagu soo xushay guddoomiyeyaasha, halka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku raacday, ayna ansixisay.
Wararklii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu Guddoomiyaha G/Banaadir la kulmnay Guddoomiyeyaasha degmooyinka cusub ee uu magacaabayo, iyadoo lagu soo daray beelo aan hore guddoomiyeyaal ugu lahayn caasimadda.
Waa markii ugu horeysay ee haween ka badan guddoomiye qura iyo qurbe-joog ay madax ka noqdaan guddoomiyeyaasha Gobolka Banaair oo hore u ahaa xilal hoose oo aan qiime badan lahayn.. laakiin hadda loo bedelay jago federaal ah oo weyn.
Wadani.com