Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Mooshin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan oo ku saabsan saldhiga milateri ee Imaaraadka Carabta ku yeelaneyso magaalada Berbera.
Qaar ka mida xildhibaanada hormuudka u ah mooshinka ayaa sheegay inaysan xilligan jirin xukuumadii howshan u istaagta, taasoo keentay in xildhibaanadu tallaabo qaadaan.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in heshiiska Berbera ee Imaaraadka la galay Somaliland uu yahay su’aal taagan, ayna wadaan qorshe ay xukuumada soo socota ay uga diyaarinayaan jawaabtii ay ka bixin lahayd heshiiskaasi.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay la yaab tahay sababta ay dowladda Soomaaliya uga hadli weysay heshiiska Imaaraadka, iyadoo looga fadhiyay inay caddeyso waxa ay ka ogtahay.
Heshiiska Imaaraadka ee ay ansixiyeen golayaasha Somalialnd ayaa ku soo beegmay xilli kala guur ah oo dowladda Soomaaliya ay doorasho ku jirtay, taasoo xaaladda sii adkeysay, waxaana weli la sugayaa mooshinka xildhibaanada Baarlamaanka ay wadeen, inkastoo xildhibaano badan aysan dooneyn in mooshinkan la guda galo.
Wadani.com