Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»WAR CUSUB: Haweeney sheegatay dhulka lagu heysto Xaashi Furre inuu lahaa Aabaheed (Akhri Qoraal ay soo dirtay)

    WAR CUSUB: Haweeney sheegatay dhulka lagu heysto Xaashi Furre inuu lahaa Aabaheed (Akhri Qoraal ay soo dirtay)

    October 4, 2015Updated:October 4, 20153 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    KIISKA GURIGA MURANKIISU MUDDO DHEER SOCDAY EE LAGU HEYSTO DARAWALKII MAXAMED SIYAAD BARRE, HADDANA AH DARAWALKA CUMAR C/RASHIID XAASHI FURRE AYAA WEJI CUSUB YEESHAY IYADOO AY SOO BAXDAY HAWEENEY SHEEGTAY IN DHULKAAS UU MARKII HORE LAHAA AABAHEED OO LAGU MAGACAABO XERSI FAARAX CIISE, IYADOO DOWLADII SIYAAD BARRE AY KALA WAREEGTAY:

    kiin
    Dr Kiin Xirsi Faarax

    AKHRI QORAAL AY SOO DIRAY KIIN XERSI FAARAX

    Anigoo ah Dr Kiin Xirsi Faarax, degan dalka Suudaan, waxna ka dhiga jaamacada dalka suudaan. Waxaan kaloo ka soo shaqeeyey safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Sudan oo aan ka ahaa  Qunsulka ganacsiga ( Commercial Attaché), sanadihii u dhexeeyey 2007-2013.

    Waxaan  dhawaan ka maqlay baraha internet ka in la isku haysto dhul dawladii Soomaaliya ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ay kala wareegtay aabahay, markii hore wax loogu yeeray dan guud, markii dambana la siiyey qof shakhsi ah oo ahaa darawalkii Maxamad Siyaad Barre: Xaashi Furre, ka dibna uu dhistay dhulkaas aabahay lagala wareegay.

    Aabahay Xirsi Faarax Ciise , wuxuu ahaan jiray maareeyaha hoteelada ay dawladu lahayd oo kala ahaa Jubba iyo Shabeele, Kadibna waxaa xirtay xukuumadii Maxamed Siyaad Barre (1970-1973), waxaana aakhirkii lagu dilay xabsigii uu ku jiray sannadku markuu ahaa 1973.

    Waxaan beryahan maqlaynay gabdho jooga magaalada Muqdisho oo sheegtay inay yihiin ilma Xirsi Faarax, dhulkaasna iyo guriga ka dhisanna ay leeyihiin oo laga dhacay aabahood! Waxaan cadayneenaa in gabdhahaasi ay been tahay sheegashadooda oo ah inay yihiin ilma Xirsi Faarax iyo in dhulkaas laga dhacay.

    Dawlada Soomaaliya iyo gaar ahaan xafiisyada ay arintani khusayso waxaan ku wargalinayaa in sheegashada gabdhaha ku andacoonaya inay yihiin ilma Xirsi Faarax lagana dhacay dhulka uu dhistay Xaashi furre, kuna yaal degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho aysan lahayn gabdhaha hada ku dacwinaya gurigaas. Dhulkan asalkiisana waxaa iskalahaa aabahay Xirsi Faarax dawladii Maxamed Siyaad Barre  ayaana xoog uga qaadatay, sidaas awgeed waxaan cadaynayaa anoo ku hadlaya magaca reer Xirsi Faarax oo hada ku kala nool Sudan, Canada iyo USA in aabahay uu lahaa cid aan anaga ahayna aysan dhulkaas ku qabsan karin ninkii dhistay dhulka oo magaciisa iyo muuqiisaba aan kadaawanay shaashadaha isagoo laga waraysanayo.

    ?

    Haweeya iyo

    Waxaan si deg deg ah uqabsanaynaa qareen na matala oo faragalin deg deg ah kusameeya arintan, una dhaxeeya Xaashi Furre  Oo dhulka ay siisay dawladii Maxamed Siyaad, dhistayna iyo ilma Xirsi Faarax oo anaga ah aniguna aan ku hadlayo magacooda waa walaalahay ilma Xirsi Faarax Ciise.

    Hadaba shacabka Soomaaliyeed iyo dawladaba, waxaan ku wargalinaynaa gabdhaha dacwoonaya inaysan xaq ulahayn inay sheegtaan inay yihiin ilma Xirsi Faarax iyo inay dhulka leeyihiinba oo ay been abuuranayaan, ooy rabaan anagoo nool inay sheegtaan inay yihiin ilma Xirsi Faarax taasoo aad nooga fajicisay umadii soomaaliyeed oo maqashayna ay aad ula yaaban yihiin boobka Muqdisho kasocda heerka uu gaarsiisan yahay.

    Waxaa arinta gurigan iyo dhulkan la isku haysto ee kuyaal xaafada Cabdicasiis, lagana saaray Xaashi oo darawal u’ahaan jiray madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre, waxaa kawada hadli Kara oo qura Ilma Xirsi Faarax oo anaga ah, iyo Xaashi Furre iyo qoyskiisa oo qura.

    Waxaa la yaableh qof intii ladilay, oo xaqdaro lagu dilay, wuxuu lahaana oo dhanna laga dhacay, dhulkiisiina darawalkii maxamad siyaad lasiiyay, haddana ay kuhaystaan gabdho si been abuura kusheeganaya inay yihiin ilmihii ninkii dhulka laga dhacay!.

    Waxaa la igala soo xiriiri karaa:
    Tell :00 249 922 355 566 / 00 249 911 960 838
    Email: [email protected]
    Dr Kin Hersi Farah Ise

    [ad name=”HTML”]

    Kiiska Guriga Xaashi Xaashi furre
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDhageyso: Dowladda Somaliya oo sheegtay inay u digtay Telefishanka Universal
    Next Article Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka oo Barqo cad ku dagaalamay Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo