War kasoo baxay shirkadda leh Markabka shidaalka Iiraan ayaa sheegtay in Markabkeeda lagu weerarray laba Gantaal xilli uu marayey Badda Cas meel u dhow Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga.
Shirkadda ayaa sheegtay in Gantaallaha ay haleeleen Markabka, iyadoo qasaare gaarsiiyey Markabka, isla markaana saliid ay ka qubaneyso. Shirkadda The National Iranian Tanker Company (NITC) waxay bayaankeeda ku caddeysay in Markabka laba qarax ay ka dhaceen gudihiisa, isagoo 60 Mayl u jira magaalada Jiddaha ee Boqortooyada Sacuudiga.
Dhammaan shaqaalaha Markabka ayaa la sheegay inay bed qabaan, xaaladda Markabkuna ay degan tahay, iyadoo dadaal loogu jiro in dhaawaca markabka gaaray ay hagaajiyaan.
Ma jiro War rasmi ah oo kasoo baxay Dowladaha Iiraan iyo Sacuudiga, waxaana weerarkan uu ka dhacay Badda Cas oo xigta dhinaca Sacuudiga, taasoo dhalineysa shaki ku saabsan cidda ka dambeysay weerarkan xilli dadaal loogu jiray in lagu xaliyo weerarkii hore loogu qaaday shirkadaha saliidda ee Sacuudiga.