Isbaheysiga Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Shiicada ee Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay weerarkii lagu laayay qaxooti Soomaaliyeed oo tirada dhimatay ay gaartay 42 qof.
Qaxootigan ayaa Jimchii diyaarad Helikobtar nooca Apache ay gantaal la heshay iyagoo saarnaa Dooni ka shiraacatay dalka Yeman oo ku soo jeeday Suudaan, waxaana hadda la xaqiijiyay in 33 ka mida ay dhinteen dadka qaxootiga ah.
Sarkaal dhinaca ammaanka oo ka tirsan Yeman ah ayaa laga soo xigtay inay duqeynta geysteen isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalk kula jira Xuuthitiyiiinta, iyadoo weli aysan wax war ah kasoo saarin isbaheysiga Sacuudiga.
Sarkaalka ammaanka oo Dekadda Xudeyda ku sugan ayaa sheegay in Doonta ay muddo saacado ah ku qaaday inay soo gaarto Dekadda, ayna ku dhinteen 42 qaxooti, halka 25 kale ay dhaawac ahaayen. 74 kale ayaa la xiray markii ay xeebta soo gaareen.
Afhayeenka Hay’adda International Organization for Migration ayaa magaalada Geneva ka sheegay in 31 Qaxooti Soomaali ah lagu dilay duqeynta, 80 kalena la dhaawacay, laakiin aanu caddeyn karin waxa dhacay.
DAAWO: Sawiradda Qaxootiga Soomaaliya ee lagu laayay Xeebaha Yeman
Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka dhintay ay Soomaali yihiin, isla markaana dowladda Soomaalia war ka soo saari doonto cidda ka danbeysay.
Madaxa Hay’ada xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch Kenneth Roth ayaa tilmaamay in howlgalladda Isbaheysiga Sacuudiga ee Yeman dadkii ugu dambeeyay ee ku waxyeelooba ay yihiin Soomaali qaxooti ah.
Wadani.com