Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya inuu gabagabo marayo liiska xubnaha Aqalka sare oo la dooranayo maalmha soo socda.
8-da kursi ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ku leeyihiin Aqalka sare ayaa loo qeybiyay lix beelood, waxaana isbedel ku yimid dhowr jeer markii la isku qabtay musharixiinta lagu qorayo iyo jufooyinka la siinayo.
Isbedelka ku yimid kuraasta la isku heystay ayaa waxaa ugu danbeeyay in kursigii Beesha Ujeejeen oo hore loogu qoray inay ku loolanto beesha Reer Aw-xasan hadda xal laga gaaray kadib markii laga saaray musharax ka socday beeshaasi.
Musharaxa Beesha Reer Aw-xasan ayaa hadda ka mid noqday xubnaha ku tartamaya kursiga beesha shanaad oo hore loogu qoray musharixiin ka soo jeeda beelaha Shiidle iyo Saddex Cumar.
Muranka ugu weyn ayaa ka taagan kursiga beesha Gugundhabe oo beeshii la siin lahaa aan la isku waafaqin, waxaana la filayaa in musharixiin ka kala socda beelaha Jajeelle iyo Baadicadde ay ku tartamaan.
Dhinaca kale kulamo is daba joog ah oo madaxweynaha Hirshabeelle iyo beesha Xawaadle ayaa looga hadlay muran ka taagan ergada dooraneysa Aqalka hoose iyo musharixiinta lagu qoray labada kursi ee beesha ka heshay aqalka sare.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku dhawaaqay shalay in doorashada aqalka sare ay dhici doonto maalinta Axadda ee 6-da Novembar 2016.
Wadani.com