Maamulka Jubbaland ayaa magacaaba Guddi xal ka gaara dhacdadii degaanka Yado ee Ceelwaaq oo ciidamada Kenya ku dileen qof shacab ah, saddex kalena ku afduubteen.
Qoraal uu so saaray Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa lagu sheegay in shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga Jubbaland lagu magacaabay Guddi baaritaan degdeg ah ku sameeya arrintasi, kadibna kasoo talo bixiya sidii xal looga heli lahaa.
Gudiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa waxaa ugu horeeya Wasiirka Amniga C/rashiid Xasan C,nuur (Janan), waxaana ka mida 4 xubnood oo kale oo isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru-dowleyaal.
C/rashiid Janan iyo ciidamo taabacsan oo hore dagaal ula gala ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo gacan ka helaya Kenya, waxayna ciidamadiisa weli ku sugan yihiin gudaha xuduudka Kenya.

