Natiijo hordhac ah ayaa laga soo saaray baaritaan oo ay sameysay wasaaradda Gaashaadhigga Mareykanka oo ku saabsanaa duqeyntii Mareykanku ku qaaday duleedka magaalada Gaalkacyo.
Qoraal laga diyaariyay baaritaanka ayaa lagu sheegay in duqeyntii bishii September ka dhacday degaanka Jeexdin ee duleedka Gaalkacyo ay diyaaradaha Mareykanka ku dileen maleeshiyo degaanka ah oo aanay ahayn AlShabaab, sida ay soo werisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Weerarkaasi ayaa lagu dilay ciidamo ka tirsan Galmudug, iyadoo weerarkaasi dhaliyay qeylo dhaan ka timid maamulka Galmudug, halka dowldada Soomaaliya ay dalbatay baaritaan lagu sameeyo dhacdadaas.
Qirashada Mareykanka ayaa keeneysa inuu magdhow ka bixiyo askartii lagu laayay weerarkaasi. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hore u sheegay inay wadashaqeyn la yeelan doonto maamulka Galmudug.
Wadani.com