Waxaa soo baxday in natiijo wanaagsan laga helay tijaabadii ugu horeysay tallaal loo sameeyay cudurka Covid-19 oo si oos ah loogu tijaabiyay dad bukaano ahaa.
45 qof oo lagu tijaabiyey tallaalka ay soo saartay shirkadda Moderna ee Mareykanka ayaa laga helay natiijo wanaagsan, kadib markii dadkii lagu duray uu jirkooda sameystay difaac uu uga hortago cudurka Coronavirus.
Dadka qaatay tallaalka mRNA-1273 ee shirkdda Moderna ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee lagu tijaabiyey dad caadi ah, iyadoo la siiyey laba jeer oo ay u dhaxeyso 28 maalmood laba jeer oo Garabka looga duray tallaal gaaraya 25 Mg, 250 mg iyo 250 mg.
Tallaalkan ayaa rajo laga qabaa haddii lagu guuleysto inuu diyaar noqdo aakhirka sanadkan 2020-ka.
Dalal abdan ayaa ku howlan soo saarista tallaal looga hortago cudura Covid-19, iyadoo ay ka mid yihiin UK, China, Germany, US, Farance iyo dalal kale.