Dhacdo kale oo xanuun leh kuna saabsan kufsi lagula kacay gabar aad u yar oo 2 sano jir ah ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho.
Kiiskan ayaa la sheegay inuu ku lug leeyay nin gabadha uu kufsaday Abti u ahaa, waxayna arrintan naxdinta leh ka dhacday degmada Warta nabadda ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninkan waalidka u ah gabadha yar ee uu falka kula kacay, waxaana la dhigay xabsiga, kadib markii la baaray inuu caafimaad qabo iyo inkale.
Kiiskan ayaa waxaa hadda gacanta ku haya Booliska, waxaan wararka sheegayaan inuu wiilka falkan geystay da’diisu tahay 18 sano jir, isagoo sheegay inuu sheydaan ku qaaday arrintan.
Falalka naxdinta leh ee kufsiga ayaa sii badanaya muddooyinkan danbe iyadoo degaanada Puntland ay dhowaan ka dhaceen laba kiis oo kufsi ah.
Wadani.com