Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»War-cusub oo kasoo baxay Shirkii Baydhaba iyo Xal laga gaaray Shan Qodob oo hortaagnaa Doorashada (Akhriso)

    War-cusub oo kasoo baxay Shirkii Baydhaba iyo Xal laga gaaray Shan Qodob oo hortaagnaa Doorashada (Akhriso)

    February 17, 2021Updated:February 17, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wararka laga helayo shirkii magaalada Baydhaba uga socday Guddiga Farsamada ee dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in horumar laga gaaray caqabadihii hortaagnaa qabashada Doorashada 2021.

    Sida lagu shaaciyey Warka kasoo baxay Guddiga Farsamada waxaa xal laga gaaray arrimihii muranku ka taagnaa ee caqabadda ku noqday Dooraashooyinkii Dalka ka qabsoomi lahaa oo kala ahaa:

    1- Cabasho laga muujiyay Gudiga Doorashada.
    2- Xal u helida gudiga dooraashada Somaliland.
    3- Xaalada Gobolka.
    4- Adkeynta Qoonada Haweynka.
    5-Jadwalka Qabsoomida Doorashada.

    Gudiga Farsamada ayaa ku baaqay in 18-k Bishan Febraayo 2021 ay shir isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka, Dowlad Gobeedyda iyo Gobolka Banaadir ay u saxiixaan heshiis kama danbeys ah oo lagu aado Doorasho.

    Wararka ayaa sheegaya-SAXAAFADEED

    War-SaxaafadeedBaydhabo, Febaraayo 16, 2021; Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed 10-16-kii Febaraayo 2021 waxa uu ku soo dhammaaday guul.

    Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada caqabadda ku ahaa fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 iyo duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya. Guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbadan:

    1- Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga.
    2- Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland
    3- Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey.
    4- Adkaynta Qoondada Haweenka
    5- Jadwalka qabsoomidda doorashada

    Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan.

    Sidoo kale, Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay shir isgu yimaaddaan 18 Febaraayo, 2021.

    Guddigu waxay u mahadcelinayaan Madaxwayanaha Dawladda iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhawaynta iyo martigalinta Guddiga Farsamada.

    Guddigu waxay sidoo kale u mahadcelinayaan Beesha Caalamka oo dadaalka joogtada ah ugu jirta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay.

    Doorashada Guddi Farsamo heshiiska Doorashada Shirka Baydhaba Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo la faray inay Guryahooda joogaan (Akhri sababta)
    Next Article C/kariin Guuleed: “Mudaaharaadka dowladda maxaa xalaal ka dhigay, kan mucaaradkana xaaraan ka dhigay..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo