Warar hor leh ayaa kasoo baxaya ciidamo ka socda kumaandooska Milateriga Soomaaliya ee DANAB oo dhowaan loo duuliyay garoonka magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumay oo ayaa Sheegay in Ciidamada DANAB ay si wadajir ah uga shaqayn doonaan maamulada Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo ayna ka qeyb qaadan doonaan sugidda ammaanka.
Falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo si is daba joog aj uga dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa sabab looga dhigay wada shaqeyn la’aanta maamulada iyo ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Wadani.com