Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay tallaabo aan hore loo arag oo colaadda kala dhaxeysa Somaliland ay cagaha u gelineyso dadka shacabka ah gaar ahaan ardayga wax ka barta Jaamacadaha Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/llaahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel) ayaa shir jaraa’id ku qabtay Garowe isagoo sheegay in dhammaan Ardayda Puntland ee wax ka barta Somaliland, isagoo maamulka Somaliland ku eedeeyay inay amreen in la laayo ardayda Puntland sida uu yiri.
Tirada ardayda Puntland ka tagtay ee waxbarashada u jooga Somaliland ay gaarayaan 900, kuwaasoo laga doonayo inay guryahooda ku soo laabtaan.
DAAWO